SAWIRRO: Immobile oo uu tareen ku dhacay (Feeraha & Laf-dhabarta oo uu wax ka noqday)

0

(Roma) 16 Abriil 2023 – Ciro Immobile ayaa maanta shil baabuur oo halis la galay tareenka magaalada ee taraamka.

Lazio ayaa ku dhawaaqday in Immobile uu soo gaarey jab feeraha ah iyo dhaawac kasoo gaarey laf-dhabarta.

Ciyaaryahankan reer Talyaani iyo kabtanka kooxda Lazio ee Ciro Immobile ayuu hadda xaalkiisu deggan yahay iyadoo uu shilku ka dhacay magaalada Roma subaxnimadii Axadda maanta ah.

33-jirkan ayaa gaariga kula safrayey labadiisa gabdhood markii shilku ka dhacayey Piazza delle Cinque Giornate, oo ku taal dhanka Prati ee Ponte Matteotti, abaare 8:30 subaxnimo.

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa ku warrantay in gaariga uu ku dhacay khadka lambarkiisu yahay 19-aad ee taraamka magaalada, kaasi oo ka baxay khadkii.

Dhanka hore ee gaariga Land Rover-ka ah ee Immobile ayaa grbi ahaanba burburay.

Immobile laftiisa ayaa wuxuu saxaafadda u sheegay in “taraamku uu soo jiiray samaafare casaan” ah.

Ciidamada Waddooyinka ee taraafikada ayaa baaraya sida uu u dhacay shilkan.

Hadalsame Media