(Stockholm) 16 Abriil 2023 – Sanadkii 2021-kii, nin dhallinyaro ah oo ka tirsan koox gaangis ah ayaa dhowr xabadood ku ridey tiro dad ah bannaanka guriga waalidkiis waxaana ku dhintay hal qof. Sidaa darteed, waxaa haatan gurigii laga saaray qoyskiisa, sida ku qoran Hem & Hyra.
Ninkan dhibka gaystey ayaa xilligaa waalidkii kula noolaa xaafadda Hjulsta ee woqooyi-galbeed Stockholm, wuxuuna rasaasta kasoo riday barxadda dhexe oo ay ay dad ku sugnaayeen. Hal nin ayaa dhintay, mid kalena madaxa ayay ka qabsatay, balse wuu ka badbaadey.
Waalidiintiis ayaa hadda waa laga cayriyey gurigoodii oo qandaraaskii laga kansalay, kaddib go’aan ka soo baxay Maxkamadda Racfaanka. Shirkadda iska lihi waxay rumaysan tahay in kiraystayaasha la bixiyey ay sababeen “qalalaase daran” iyo in toogashadu ay “khatar ku tahay nolosha iyo caafimaadka dersaanta”.
Intaa waxaa dheer, maandooriye ayaa lagu kaydinayey guriga. Maxkamadda Racfaanka ayaa u aragta in aabbuhu ku xadgudbey mas’uuliyaddii waalidnimo maadaama uusan ka warqabin in carruurtiisu ay dhibayaan deriska.
Ninka ayaa lagu xukumay in ka badan 13 sano oo xarig ah, kaddib markii lagu helay dembiyo dhowr ah oo uu ku jiro dilka ka dhacay beerta guriga ee aannu kasoo hadalnay. Dhowr qoys oo caruur leh ayaa ku nool gurigan oo dabaqa ah.
Lama sheegin jinsiyadda reerka balse xaafadda Hjulsta waxaa u badan dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay, iyadoo arrintan horay go’aan loogu gaarey waloow ay doodi ka taagan tahay.
Hadalsame Media