(Allahabad) 16 Abriil 2023 – Dalka Hindiya, nin kaabe gaangiistar ah horayna u ahaa siyaasi oo Atiq Axmed la yiraahdo ayaa toogasho lagu diley xilli habeennimadii Sabtiga si toos ah looga tebinayey TV tiiyoo isaga iyo walaalkii ay booliisku galbinayeen oo ay saxafiyiintana la hadlayeen.
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Prayagraj oo uu ninkan oo ilaa 100 kiis oo dembi ah loo haystaa ku dhashay 1962-kii, waxaa sidoo kale loo yaqaano Allahabad, waana gobolka Uttar Pradesh ee woqooyiga Hindiya.
Atiq Axmed waxaa saarnaa xukun xabsi daa’in ah oo loogu ridey afduub iyadoo walaalkii Ashraf asna loo galbinayey isbitaal si baaritaan caafimaad loogu sameeyo.
Isagoo katiinadeysan oo ay garab taagan yihiin askartu, ayaa Axmed oo la hadlayey dhowr weriye rasaas af-saar ah lagu toogtey. Walaalkii ayaa isna la diley.
Waxaana goobta dhaawacmay askari boolis ah iyo weriye. Booliiska ayaa ku fashilmay hab-raacii ammaan ee asaasiga ahaa, sida ay warbaahintu sheegtay.
Toogashada Axmed ayaa la daawaday iyadoo LIVE ah. Sidoo kale waxaa la arkayey kooxihii kale ee weerarka soo qaaday oo dhowr xabadood ku dhufanaya maydadka kaddib markii ay dhulka ku dhaceen walaalaha la diley.
Saddex tuhmane ayaa goobta lagu xiray. Sarkaal ka tirsan booliiska, Ramit Sharma, ayaa sheegay in kooxda weerarka gaysatey ay ku dhawaadeen Axmed iyagoo iska dhigayay wariyeyaal. “Dhammaan wax walba waxay ku dhaceen ilbiriqsiyo gudahood,” ayuu yiri.
Sida ay warbaahintu sheegtay, waxa markii ugu horreeysey dil gaystey isaga oo 17 jir ah, waxana uu aakhirkii ku biiray shabakad dambiilayaal ah oo ka hawlgasha gobolka Uttar Pradesh.
Hadalsame Media