Halka khalad ee istaraatijiga ah ee ay sameeyeen CXD Sudan ee fursadda siiyey hoggaamiye kooxeedka Xamdaan

0

(Khartuum) 16 Abriil 2023 – Suudaan, Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti) iyo RSF!!

Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), waa 48 jir sannadkii 1975-dii ku dhashay Gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan. Waa nin Waxbarashadii uga tagey dugsi hoose, ka dib isu baddelay jabhad, dulaal iyo Ganacsade macdanta Suudaan ka taajiray, illaa nasiibku u xambaaray darajada Generalnimo iyo ninka ugu saameynta badan Suudaan.

Haddaba maxay yihiin Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan, ( Rapid Support Forces (قوات الدعم السريع)?

RSF waxaa taliye u ah General Mohamed Hamdan Dagalo, oo hadda haya jagada ku xigeenka madaxa golaha sare ee xukunka Suudaan, tirada ciidanka ayaa ku dhow 100,000, oo askari saldhigyana ku leh dalka oo dhan ah, si gaara ugu xooggan Gobolka Dafur, Cumar Xassan Al-bashiir ayaa aas-aasay sannadkii 2013, waxayna aad saaxiibbo u ahaayeen Xamdaan si uu ugu jabiyo xoogaggii Gobolka Darfur.

Waxa ay ka soo unkameen maleeshiyaadkii loo yaqaannay Janjaweed ee ka dagaalamayey gobolka Darfur, 2000-meeyadii, halkaas oo ay u adeegsatay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cumar Al-Bashiir si ay uga caawiso ciidamadaa in ay jabiyaan jabhad dagaal kula jirtay. Qiyaastii 2.5 milyan oo qof ayaa ku barakacay 300,000 oo qofna lagu dilay iskahorimaadyadaa.

Muddo kaddib ciidamada ayaa si xowli ah u koray, waxaana loo adeegsadan jiray ilaalinta xuduudaha gaar ahaan si loo xakameeyo socdaalka iyo kacdoonnada dowladda ka dhanka ah. Hemedti danihiisa ganacsi ayuu aad u xoojiyey kaddib markii uu gacan ka helay Al-Bashiir, si gaara dahabka, waa milyaneer macdanta ugu badan ka dhoofsada Suudaan, ahna kan koowaad ee waddankaas.

Laga soo bilaabo 2015, ciidamadaas waxaa Albashiir iyo isagu u direen dagaalka ka socda Yemen qiyaas dhan 10’000 askari, iyagoo garabsanaya ciidamada Sucuudiga iyo Imaaraatka, taas oo u sahashay Hemedti inuu xiriir la sameeyo quwadaha Khaliijka, si gaara Imaaraatka Carabta. Sidookale Khaliifa Xaftarka Liibiya ayuu ku caawiyey 1,000 askari.

Sannadkii 2017-kii, waxaa la meelmariyay sharci u xalaaleynaya RSF inay yihiin ciidan Suudaan leedahay laakiin madax-bannaan. Ilo-wareedyo Millitari ayaa sheegay in Hoggaanka Ciidanku ay muddo dheer walaac ka muujiyeen horumarinta ciidamada Hemedti.

* Bishii Abriil 2019, RSF waxay ka qayb qaadatay afgambi millatari oo xukunka looga tuuray Cumar Al-Bashiir. Dabayaaqadii sanadkaas Hemedti waxa uu saxeexay heshiis awood qaybsi kaas oo ka dhigay ku xigeenka golaha talada haya ee uu madax ka yahay General C/fataax al-Burhan.

RSF, haddana waxa ay ka qayb qaadatay afgambi bishii Oktoobar 2021 lagu hakiyay u gudbidda doorashada Suudaan. Ciidanka Suudaan iyo sidoo kale kooxaha dimuquraadiyadda taageera ayaa dalbaday in RSF ay ku biirto ciidamada qalabka sida ee caadiga ah.

Dagalo waxaa uu xiriir aad u xooggan la leeyahay oo taageero badan ka haystaa Imaaraatka Carabta iyo Dowladda Ruushka, halkaas oo shirkadihiisu aad ugu dhoofiyaan macdanta si gaara dahabka Suudaan.

Mohamed Hamdan Dagalo, waxa ay hadda awoodda Suudaan isku hayaan ninka uu ku xigo ee Abdulfatah Al-Burhaan oo ah Madaxwaynaha iyo Generalka guud ee Ciidamada Suudaan, iyagoo hadda uu ka dhex aloosan yahay dagaal isu baddelay gacan ka hadal, isagoo xooggiisu ka biloowday Caasimadda Khartuum iyo meela ka mida Darfur.

W; D: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media