Faransiiska oo lagu “khasbay” inay TV-ga France 24 ka saaraan warbixin Ruushka ku saabsan

0

(Paris) 16 Abriil 2023 – Telefishanka Faransiiska ee France 24 ayaa boggiisa ka saaray warbixin muuqaal ah oo ku saabsan ciidamada Ruushka oo tababar ku jira, kaddib markii ay caro wayn ka muujiyeen masuuliyiinta Ukraine.

Muuqaalka, oo uu cinwaankiisu ahas “Dagaalka Ukraine: Ciidamada Ruushka oo isu diyaarinaya dagaal” ayaa lagu soo warramayaa in lasoo geliyey france24.com Khamiistii. Laakiin Sabtigii, waa laga tuuray oo webku wuxuu keenaysaa farriinta “Bogga 404 lama heli karo.”

Muuqaalkan oo socday hal daqiiqo iyo bar ayaa laga qaaday meel xero tababar ah oo ku taal meel aan la shaacin oo 30 KM u jirta jiidda hore.

Waxaa lagu soo bandhigay Sawirrada Taangiyada Ruushka oo ridaya madaafiic, sidoo kale waraysiyo gaaban oo lala yeeshay Ciidamada ayay ku sheegeen inay ku hanwayn yihiin in ay difaacaan dalkooda, islamarkaana aysan ka cabsi qabin duullaanka laga filan karo Ukraine.

Mid ka mid ah askartaasi ayaa sidoo kale ammaanay hubka Ruushka oo uu ka sara mariyey taangiyada dagaalka ee Leopard 2 oo Jarmanku sameeyo, kaasoo ay dhowaan reer Galbeedku siiyeen dalka Ukraine. ”

Taangiyadeennu way fududahay in la xakameeyo, way ka fudud yihiin oo inta badan way ka fiican yihiin taangiyada Leopard,” ayuu yiri.

Muuqaalkan ayaa markiiba waxaa kasoo cabatay Kiev, iyadoo Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ukraine Oleg Nikolenko uu ku tilmaamay warbixinta ku saabsan militariga Ruushka “mid ceeb ku ah saxaafadda.”

Hadalsame Media