DAAHA GADAASHIISA: Dalalka isku dilaya gacmaha Sudan & Danahooda oo sharraxan (Qaar olog ahaa ayaa iskaga horjeeda)

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2023 – Lix Dal: Daqlo Xaliifka Imaaraadka u Diran iyo Dagaalka Suudaan.

Dagaalka Suudaan- Xulufadii Khaliijka ee Yemen 2015-kii gashay in uu burburinayo ayay 90% u badan tahay- Isbedelada xawliga ku socda ee Carabta dhan saameynaya, Heshiiska Saaxiibadii ku kala tagsanaa dagaalkii Dimishiq Siiriya-Tripoli Liibiya- Yemen-Sanca ilaa Falastiin Xamaas iyo Sacuudiga, waa dhacdooyin yaab leh sey isku bedeleen una ordayaa .

Imaaraatka Carabta: Suudaan waxay ka sameynayso waa soo dadajinta dibu qaabeynta Isbaheysiyada gobalka Afrikada Islaamku haysto ama ku xoogan yahay iyo Siyaasadda aan daganeyn ee Khaliijka.

SACUUDIGA: maalgashi ka badan Balaayiin Dollar ayaa kayaala Suudaan- 2019-kii wixii ka dambeeyey inkasta oo aysan dhaqdhaqaajin- haddana waa dawlad weyn oo aan u dhaqmin una dhawaan karin habdhaqanka qaawan bilaa ixtiraamka ah ee ABU DHABI.

IMAARAAT: waa aabaha dhalay dagaalkan oo dhan, waa maalgaliyaha colaadan, Wiilkooda Daglo oo ah midka ugu wanaagsan ee ay haystaan- 150kun oo ah Dableydan ka horyimi ciidanka xoogga dalka ayuu qalabeeyey oo dhisey, isagoo eeganaya danahooda gobalka- waxay halis u arkaan in Dekeda Sawaakin ay Turkigu qaadato- waxay doonayaan in Suudaan iyo Geeska Afrika yeeshaan ama gubaan.

MASAR: Amnigeeda Qaran ayaa kuxiran Suudaan- haddii laga awood bato ciidanka sharciga ah ee Khartuum ee Burhaano wato, waxay xaaladu ku noqonaysaa jiq aan jid u furmeyn- waana huraysaa sida muuqata wax kasta oo Badbaadada Abdifitaah Burhaan ah.

CHAD: Waa u badbaadada dalkeeda in la tirtiro Maleeshiyaadka Daglo ee sharciga kasoo horjeeda ayna saameynta ku leedahay Imaaraatka Carabta, Mr, Geel-jiraha Jeneraalka noqday ayay shaki ka qabaan in uu gudahooda ku abuuri karro Jabhad ama gabaadsiin karro- taas oo keenaysa in aysan qadiyaddan wax sahlan oo banaanka kajoogaan u arkin.

ITOOBIYA: Inkasta oo ay ku baaqday Wada hadal deg deg ah, isfahamsiinta dhinacyada Suudaan ay door weyn horey ugu lahayd “Rasuulka Nabadda Abiy-na ay ugu wanqaleen Maalinkii Heshiiska Shibilka iyo Askarta” haddana hadeer haddiiba ay jeclaan lahayd guusha Daglo oo soo de degta- gudaheeda ayaa soo martay in awood kuqanuunin cida sanka taagta- dhib badan uma arkaan in Maleeshiyaadka lagu tunto- haddana guul Masar ma jeclaanayaan.

RUUSHKA: saameyntiisa waa xoogan tahay- hayeeshee is qaawin kuma dhaco farihiisa ayaana ka muuqda dhanka CHAD, sababta ugu balaaran waa in ay doonayso Ilaalinta godadka Dahabka, waana shirkada Ruushka ee Wagner Group oo joogid leh.

Dirsanaha Imaraatka ee Daqlo cabaad buu afka labadiisa daan yeeray- iyadoo maalinkii 2-aad la joogo, sida muuqata eedeyntiisa dawladdaha Chad iyo Masar ee in ay u hiiliyeen Burhaanu waa labo dan midkood in uu u gacan-haatinayo cid taageeraysa oo ka baxsan Suudaan iyo ka dhab xaaladdu ku xun tahay.

DHAMMAADKA: Ma noqon doonaan xataa haddii la jabsho xulufada Imaaraatka, waase dagaal dheer oo bilow ah oo aan sahal ku dhamaan doonin.

Calooshood u shaqeystayaal (مرتزقة) meel ay soo galeen wanaag lagama sugayo dal kale in dawlad kale ciidan aan ka amar qaadan ku dhex beerataa waa halis weyn oo aan sahal xataa ku dhamaan karin ilaa dhiig daadasho tagto mooyee.

W; D: Faarax Cabdulqaadir Maxamed

Hadalsame Media