Ciyaaryahan caan ka ah Tunisia oo nolosha isku gubey kaddib arrin uu booliisku kula kacay (Daawo muuqaal uu soo duubay)

0

(Tuunis) 16 Abriil 2023 – Ciyaartooy kubadda cagta ciyaari jirey oo Tunisian ah oo la yiraahdo, Nizar Issaoui, ayaa dhintay kaddib markii uu dab is qabadsiiyey isagoo kasoo horjeedey “cadaalad darrada booliiska”, sida ay sheegeen qoyskiisu.

Waxa uu ka soo muuqday muuqaal internet-ka lasoo galiyay isagoo eed sheeganaya oo ku qaylinaya inay booliisku ku eedeeyeen argagixisannimo kaddib markii ay isku dhaceen khudaar nin iibiye ah.

Qoraal kale oo uu soo dhigay ayuu ku sheegay in uu isku xukumay inuu isku dilo “dab”.

Waxaa jirey isku dhacyo caraysan oo ka dhacay aaska 35-jirka Jimcihii gaar ahaan magaalada uu ku dhashay ee Haffouz, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Issaoui ayay saraakiisha booliisku ku eedeyeen argagixisannimo kaddib markii uu ka cawday in aanu awoodin inuu moos ku iibsado 10 Diinaar ($3.30; £2.66) kiiladii, taas oo laba laab ka ah qiimihii ay dlwladdu u qoondaysay, sida ay wararku sheegayaan.

Laacibka kubbadda cagta ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku yiri: “Khilaaf na dhexsaday qof moos ku iibinaya 10 Diinaar, ayaa waxa la igu eedeeyey argagixisannimo saldhigga booliska. Anigu tamar dambe ma hayo, ogow in xukunka maanta la fulin doono.” Issaoui ayaa kaddib is gubey.

Rabshado ayaa ka dhacay aaska ciyaaryahankii kubada cagta iyadoo dibadbaxayaasha ay dhagxaan ku tuurayeen booliska oo ku riday sunta dadka ka ilmaysiisa.

Waxa uu ahaa ciyaaryahan hore oo ka tirsan kooxda heerka koowaad ee Tunisia ee US Monastir iyo aabe afar carruur ah leh.

Diseembar 2010-kii mudaaharaad uu sabab u noqday nin jidka wax ku iibiya oo la yiraahdo Mohammed Bouazizi ayaa keenay in la rido xukuumaddii Madaxwayne Zine El Abidine Ben Ali kaddib markii uu dab is qabadsiiyey.

Waxaa sidoo kale ka dhashay Kacdoonkii Guga Carbeed oo rogey dalal badan oo aysan qaar weli soo kaban.

 

 

Hadalsame Media