”Adiga & Wiilkaaguba kansar u dhinta!” – Taageerayaasha Napoli oo weerar xun ku qaaday Theo Hernandez (Fal-celin ka timid)

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2023 – Saaxiibka ay u wada dheelaan AC Milan ee Rafael Leao iyo xitaa kooxaha kale ee Talyaanigu qaarkood ayaa waxay hiillo u muujiyeen Theo Hernandez kaddib markii lagula kacay tacaddi xun iyo aflagaaddo dhanka internet-ka ah oo uga yimid taageerayaasha SSC Napoli.

Laacibka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa soo dhigay sawirka isaga oo la ciyaaraya canuggiisa, waana muuqaal caadi u ah qoys kasta.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah taageerayaasha Napoli ayaa usoo qoray faallooyinkii ugu xumaa iyadoo lagu fahmey adeegsiga lahjadda Neapolitan-ka, iyagoo leh ‘adiga iyo wiilkaaguba dhinta’ iyo kuwa kale oo soo qoray inuu ‘ku dambeeyo si la mid ah Gianluca Vialli,’ oo dhowaan u dhintay cudurka kansarka.

Theo Hernandez saaxiibkiisa Milan Rafael Leao ayaa ka falceliyay weerarka qabsaday saaxiibkii, isagoo soo qoray:

“Nasiibdarro shabakadaha bulshadu waa agab uu qof kastaa u malaynayo inuu sheegi karo wax kasta oo uu jecel yahay. Ha werwerin, walaal, Ilaahay baa mar walba qoyskaaga la jira.”

Faallooyinka ayaa ka yaabiyey adduunka kubbadda cagta Talyaaniga, kooxda Seria C ee Pescara ayaa u deg degtay inay laacibka garab istaagto.

”Sidee baad dhimasho ula jeclaan kartaa qof iyo wiilkiisa? Taageeradeenna waxaan siinnay Theo Hernandez, oo ah ciyaaryahan kale oo lala beegsaday faallooyin ceeb ah oo aan shaqo ku lahayn ciyaaraha.” ayay yiraahdeen.

Warkan ayaa imanaya xilli ay Milan iyo Napoli ay bishan ciyaareen 2 jeer, iyadoo kooxda dambe looga kala badiyey 4-0 oo Serie A iyo 1-0 oo ah lugta hore ee Champions League, waxaana lugta dambe lagu ballansan yahay Diego Maradona, waxaana tegi doona ugu yaraan 2,500 oo taageerayaal AC Milan ah.

Hadalsame Media