Talyaaniga oo daboolka ka qaaday qorshe ballaaran oo uu wato & Shir dhacaya oo uu kusoo bandhigayo (Goorta?)

0

(Hadalsame) 15 Abriil 2023 – Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa sheegtay in dowladeedu ay doonayso inay soo bandhigto qorshe Afrika loogu magac daray aasaasihii shirkadda shidaalka ENI, Enrico Mattei, dayrta kaddib markii ay Addis Ababa ku timid booqasho laba maalmood ah.

“Waxaan ka shaqaynaynaa qorsheyaal xiriir ah oo ku saabsan Afrika,” ayay tiri markii ay gaartay hoteelkeeda.

“Shir-madaxeedka Dowladaha Talyaaniga iyo Afrika ee soo socda, kaasoo dhaca labadii sanaba mar, ayaa wuxuu qabsoomi doonaa dayrta, waxayna noqon kartaa munaasabad aan kusoo bandhigno qorshaheenna Mattei.

“Inta ka horreeysa waxaan ka shaqaynaynaa iskaashi lala yeesho wadamada Afrika sababtoo ah masii malayn kartid inaad garanayso xalalka ugu fiican iyada oo aan lala hadlin dadla ay sida tooska ah ay khusayso”. Ayay raacisay.

Meloni ayaa ugu baaqday Yurub inay sare u qaadaan gargaarka iyo horumarinta iskaashi xooggan oo la yeesho Afrika, taasoo qayb ka ah istaraatiijiyad lagu dhimayo tirada muhaajiriinta doonaya inay ka gudbaan Badda Mediterranean-ka.

Ajendaha Addis Ababa waxaa ay isku arkeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaasoo bishii Febraayo isna tegey magaalada Roma ee dalka Talyaaniga iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.

Waxay sidoo kale kulan laba geesood ah la qaadatay Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo kulan gaar ah iyadoo maantana la wada shirtay Itoobiya iyo Soomaaliya.

Kahor intaysan dhoofin, Meloni waxa ay sidoo kale booqan doontaa dugsiga hoose dhexe ee Galileo Galilei oo ku yaal caasimadda Itoobiya, kaasoo ah dugsiga ugu wayn ee Talyaanigu ku leeyahay meel ka baxsan dalka kaasoo ay dhigtaan ku dhowaad 900 oo arday. (ANSA).

Hadalsame Media