“Somalia waxaan u dhisaynaa kaabayaasha dhaqaalaha” – RW Talyaaniga oo maalgelin ku dhawaaqday + Sawirro

0

(Addis-ababa) 15 Abriil 2023 – Waxaa magaalada Addis Ababa wada jooga oo shir ku leh madaxda dalalka Somalia, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Waxaa soo baxayey in halkaa lagu dhidbayo isbahaysi cusub oo ay ku wada jiraan dalalkan 3-da ah.

Qorshaha kulankanina waxaa uu daarran yahay dhisidda iskaashi dhow oo dhexmara 3-dan dal kaasoo iskugu jira dhinacyada amaanka, dhaqaalaha IWM.

Dowladda Talyaaniga ayaa haatan sheegtay inay iskaashi iyo maalgashi ka samaynayso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxaa sidaa lagu sheegey war ka soo baxay kulan saddex-geesood ah oo AddisAbaba ku dhexmaray Raysal Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed & Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh.

Halkan hoose ka aqri bayaan ay soo saartay Madaxtooyada Somalia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa uga qeybgalay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Shir Madaxeedka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa looga wadahadlay iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, sidoo kale kulanka ayaa lagu lafo-guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Shirka guulaha miro-dhalka ah ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka xoreynta dalkeenna argagixisada, isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah khawaarijta Al Shabaab, hurmuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay in dalalka Gobolka iska kaashadaan ciribtirka argagixisada, gaar ahaan Waddamada safka hore ee dariska la ah Soomaaliya.

 

Hadalsame Media