RASMI: Magaalada Minneapolis oo meelmarisay in 5-ta Salaadood aadaanka dadka la maqashiiyo

0

(Hadalsame) 15 Abriil 2023 – Golaha Degaanka ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa cod ku meel mariyey in codka aadaanka Salaadaha laga baahin karo masaajidda magaalada ku yaalla.

Golaha oo arrintan dood dheer ka yeeshay ayaa isku raacay in hadda ka dib eedaanka shanta Salaadadood la baahin karo.

Tan oo ka dhigan in Minneapolis ay noqotay magaaladii ugu weynayd ee Maraykanka ku taalla isla markaana si daah-furan shaaricyadeeda looga maqlo eedaanka shanta Salaadood.

Muslimiinta Soomaalida u badan ee magaaladaas ku dhaqan ayaa si weyn u soo dhoweeyey fasaxan oo ah mid taarikhiya.

W; D: Khaalid Foodhaadhi

Hadalsame Media