(Moscow) 15 Abriil 2023 – Madaxwaynaha Ruushka er Vladimir Putin ayaa saxiixay sharciga wax ka bedelka askareynta iyo xeerarka abaabulka, sameynta xog uruurin mideysan oo dhijitaal ah oo muwaadiniinta ku xiran adeegga millateriga, kaasoo lagu dhameeyey in ka yar hal toddobaad.
Wasaaradda Horumarinta Dhijitaalka ayaa loo xilsaaray samaynta diiwaangelinta, taasoo ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Difaacu.
Dawladdu waxay xog-ururinteeda ka qaadanaysaa diiwaannada jira sida cashuuraha, doorashada, caafimaadka, diiwaannada booliiska iyo maxkamadda, iyo kuwo laga soo qaatay goobaha shaqooyinka iyo jaamacadaha.
Waxaa la adeegsanayaa hannaanka adeegga dowladda ee ‘Gosuslugi’. U yeerista waa in lasoo ajiibaa todoba maalmood gudahooda laga bilaabo marka lagusoo dhejiyo diiwaankan cusub ee dhijitaalka ah.
Laga bilaabo marka yeerista lasoo saaro, qofka ay khuseeyso looma ogolaan doono inuu ka baxo Ruushka.
Sharciga cusub waxa kale oo ku jira ciqaabo, iyadoo haddii aan lagu soo jawaabin ugu badnaan 20 maalmood gudahood, iyada oo aan la keenin sabab loo qaateen ah, aan qofka loo oggolaan doonin inuu furto ganacsi, baabuur ama hanti ma guurto ah yeesho, ama uu helo dayn bangi.
Gobollada iyo jamhuuriyadaha kala duwan ee Ruushka ka tirsan ayaa sidoo kale xaddidi kara ama joojin kara bixinta manfacyada iyo taageerada kale ee dowladda ee qofkaa la siinayey.
Go’aamadan oo kale waxa rafcaan lagaga qaadan karaa maxkamadda, si kastaba ha ahaatee.
Hadalsame Media