Kaddib toogashadii RW hore RW Japan oo bambo lagu tuuray isagoo khudbaynaya & Xaalkiisa (Daawo)

0

(Wakayama) 15 Abriil 2023 – Qarax xooggan ayaa la maqlay intii uu socdey ololaha Ra’iisul Wasaaraha Japan ee Fumio Kishida oo saaka ka dhacayey magaalada dekedda leh ee Wakayama, kaasoo qalalaase abuuray, xilli ay dadkii isku soo baxay ay isku dayayeen inay nafta la cararaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa laga saaray goobta, iyadoo la sheegay in aysan waxba gaarin, waxaana mas’uuliyiintu ay xabsiga dhigeen mid ka mid ah eedaysanayaasha.

Qarax ayaa dhacay abbaare 11:30 subaxnimo xilliga maxalliga ah xilli Ra’iisul Wasaaruhu uu isku diyaarinayey inuu khudbad diyaarsanayd ka jeediyo dekedda kalluumaysiga ee Saigasaki, iyadoo nin kasoo dhex baxay dadkii isku soo baxay uu dhanka Kishida usoo tuuray wax u muuqdey “bamo qaac”, sida ay sheegtay Kyodo News.

Goobjoogayaal badan oo ay soo xigatey NHK, oo uu ku jiro xubin ka tirsan golaha degaanka, ayaa sheegay inay arkeen qof tuuraya wax u eg “dhululubo qalin ah” islamarkiiba kahor qaraxa. Ma jiraan wax dhaawac ah, sida ay sheegayaan wararkii ugu horreeyey.

Argagaxa ka dhashay goobta ayaa laga soo duubay muuqaal, kaasoo muujinaya ciidamada booliska oo dhulka ku cadaadinaya qofka laga shakisan yahay oo ay isku dayayeen inay xiraan.

Sidoo kale waxaa la arkayey dadkii goobta ka agdhawaa oo dhinac walba u kala cararaya tiiyoo ay jireen cabsi iyo jaahwareer.

Ra’iisul Wasaarihii ninkan ka horreeyey, Shinzo Abe, ayaa la diley xilli ay socotay olole dadwayne sannadkii hore ee 2022-kii, iyadoo nin hubaysan uu ku toogtay goob uu ka khudbaynayey.

 

Hadalsame Media