(Khartuum) 15 Abriil 2023 – Dagaal ayaa ka qarxay caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum, iyada oo hubka culus ay isu adeegsanayaan ciidanka millateriga iyo ciidanka loo yaqaanno RSF oo xiisaddu ka dhex taagan tahay.
Ciidamada Gurmadka Millateriga ee RSF ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada. Sheegashadan se weli lama xaqiijin.
Mar sii horreeysey RSF ayaa waxay sheegtay in mid ka mid ah xeryahooda ku yaalla koonfurta Khartuum la weeraray, sida ay faafiyeen Reuters iyo Al Carabiya.
Ciidanka Xoogga ayaa deeto dhankooda sheegay in dagaalyahanada RSF ay isku dayeen in ay la wareegaan xarumaha ciidamada.
Howlihii Garoonka diyaaradaha iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee magaalada ayaa istaagey, iyada oo xiisaddani ku soo aadayso xilli uu sii xoogaysanayo khilaaf u dhexeeya Golaha Sare ee ka arrimiya Suudaan.
Suudaan ayaa cakirnayd tan iyo markii xukunka laga tuurey xukuumaddii Millateriga ahayd ee Jen. Cumar Al-Bashiir.
Hadalsame Media