Xan hoose oo kasoo baxaysa shirka ay Addis ku leeyihiin madaxda Somalia, Itoobiya & Talyaanigu + Sawirro

0

(Addis-ababa) 14 Abriil 2023 – Waxaa magaalada Addis Ababa wada gaarey madaxda dalalka Somalia, Itoobiya iyo Talyaaniga. Waxaa durba dhacay kulamo dhexsaday RW Itoobiya iyo Talyaaniga.

qorshaha kulankan ayaa ayay warar hoose sheegayaan inuu ku jiro ajende iskaashi oo dhexmara 3-dan dal kaasoo iskugu jira dhinacyada amaanka, dhaqaalaha IWM.

Yeelkeede, bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada waxaa kaliya lagu koobay dhanka amaanka.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

“Madaxwaynaha ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu bilaabay bayaanka.

“Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, dhawaanna uu bilaabanayo howl-gal wadajir ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan dalalka safka hore ee dariska la ah Soomaaliya, maadama ay khatarta argagixisada, dhibaatada ay u geysanayaan dadka rayidka ah iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka ay wada saameysay Gobolka Geeska Afrika.

“Dhankeeda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda ee loo qaaday dhanka xasilinta iyo dowlad dhiska, waxa ayna soo bandhigtay garab istaagga dowladdeeda ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya nabad ah iyo Soomaali heshiis ah.” Ayaa lasii daba dhigay.

Hadalsame Media