Wiil yar oo ka xanaajiyey taageere Napoli ah oo uu ugu galay makhaayad ay fadhiyeen (Daawo)

0

(Napoli) 14 Abriil 2023 – Wiil yar oo Milanista ah ayaa taageerayaasha SSC Napoli ku sameeyey arrin aad looga hadal hayo baraha bulshada.

Wiilka yar ayaa isagoo xiran funaanadda kooxda AC Milan wuxuu galay makhaayad ay fadhiyeen taageerayaasha Napoli.

Deeto wuxuu mar qura lu yiri “Forza Milan” wuuna kasoo cararay, waxaase kasoo daba orday dhowr qof halka qaar ay daaqadda ka haydaarteeyeen.

Nin kasoo daba orday ayaase muujiyey inuu dareensan yahay foorjada wiilka yar isagoo yaab la qoslaya.

Si kastaba, labada kooxood ayaa Talaadada soo aaddan mar kale ku ballansan gegada Diego Maradona ex San Paolo.

Hadalsame Media