“Waxaan musqusha ugu imid iyadoo dhiig baxaysa” – Booliiska Hindiya oo baaris ku bilaabay geerida gabar Soomaali ah

0

(Hyderabad) 14 Abriil 2023 – Haweeney Soomaaliyeed oo 35 jir ah ayaa maydkeeda laga helay suuliga gurigeeda oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hyderabad ee dalka India.

Ninkeeda oo lagu magacaabo Liibaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in xaaskiisa uu ka helay suuliga jeer uu dhiig ka qubanayo, kaddibna uu u qaaday isbitaal gaar loo leeyahay, waxaana loo sheegay inay dhinsanayd.

Lamaanuhu waxay Hyderabad ku yimaadeen Fiise Caafimaad 21-kii Maarso, iyagoo raadinaya daawayn ku saabsan ubad la’aan.

Haweeneyda geeriyootey ayaa waxa ay ku guda jirtey daryeel caafimaad oo uga socdey isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Secunderabad oo ah magaalada mataanaha la ah Hyderabad.

Booliska Banjara Hills ayaa kiiskan u diiwaangeliyey inuu yahay geeri laga shakisan yahay sida uu dhigayo qodobka 174-aad ee xeerka ciqaabta Hindiya.

Maydka haweeneyda ayaa loo diray isbitaalka guud ee Cismaaniya, si baaritaan loogu sameeyo waxa sababay dhimashada.

Cisbitaalka Guud ee Cismaaniya (OGH) waa mid ka mid ah cisbitaalada ugu da’da wayn India, wuxuuna ku yaallaa Afzal Gunj, Hyderabad.

Hadalsame Media