(Istanbul) 14 Abriil 2023 – Waxaa beryahan dalka Maraykanka u tahriibaysey Soomaali aad u fara badan wax u qaab eg kacaan cusub, balse waxaa muuqata in arrintaa durba looga faa’iidaysanayo Soomaalida.
Diyaaradaa Air Anka oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa dad gaaraya 200 oo ruux oo Soomaali ah horay ugu sheegtay inay u qaadayso Bartamaha Ameerika.
Yeelkeede, dadkaasi waxay haatan ku xayiran yihiin Garoonka Diyaaradaha Istanbul iyadoo lacago caqli ka fooq ah looga qaatay inay gaynayso dalka Nicaragua ee Bartamaha Ameerika, iyadoo uu ujeedku yahay inay usii socdaalaan Maraykanka.
Dadka qaar oo diyaaradaasi ku qornaa ayaa weriye Salmaan Jamaal u sheegay in laga diirtay lacago fara badan, balse shalay ilaa saakay waxaa dhowr mar baaqatay diyaaraddii qaadi lahayd ee Air Anka.
Dadka ayaana marba khabar cusub loo sheegayaa ilaa xilliga, balse hadda waxa la sheegay in gebi ahaanba diyaaraddaasi laga saaray nidaamka garoonka oo aan haatan xogteeda looga jeedin.
Dadka ayaa qofkiiba waxa laga qaaday lacag gaaraysa $4500 iyo $6500 oo tikit ah, welina xaalkoodu waa cakiran yahay.
Hadalsame Media