2 arrimood oo naadir ah oo ku jira ciidanka lagu tababaray Serbia & Ballanqaad kale + Sawirro

0

(Belgrade) 14 Abriil 2023 – Waxaa maanta oo Jimce ah lagu wadaa inay magaalada Muqdisho soo gaaraan ciidamo gaadh ah oo ka kooban 60 sarkaal oo ka tirsan ciidamada ilaalada gaarka ah ee Soomaaliya.

Ciidankan ayaa halkaa u duulaya kadddib markii ay soo dhamaysteen tababar muddo 4 bilood ah uga socdey dugsiga tababarka ciidamada gaarka ah ee Marshal Josip Broz Tito ee magaalada Belgrade ee dalka Serbia.

Barnaamijkan ayuu ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa amniga iyo ilaalinta madaxda siyaasadda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha iyo sidoo kale madaxda ajnabiga ah ee booqanaysa dalka, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu xasilinayo dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Saraakiishu waxay ka qaybqaateen layli dhamaystiran oo ay ku jiraan waxbarashada caadiga ah ee fasalka lagu qaato, jirdhiska, maaraynta hubka, wadista gawaarida, xog ururinta, iyo metelaadda xaalad dhab ah oo la wajahayo.

Waxay ku tababbarayeen 9 saacadood maalintii, 7 maalmood todobaadkii, laga bilaabo Janaayo 12 ilaa Abriil 12, xaaladaha loo yaqaan “Hawlgal aan Fashilmi karin.”

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreeysey oo waddan ka tirsan Yurub uu tababarro u fidiyo ciidamo Soomaali ah oo ciidooda jooga, taasoo ka tarjumaysa iskaashiga caalamiga ah ee sii kordhaya ee lagu taageerayo kaabayaasha amniga Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodiishe) ayaa sheegay inay Dowladda Serbia uga mahadcelinayaan taageerada iyo garab istaagga ay siinayso Dowladda Soomaaliya, isagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda amnigu uu u leeyahay madaxda Dowladda, gaar ahaan gobolka oo ay ragaadiyeen xasillooni darro iyo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab.

Xiritaankii tababarka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Seerbiya Bratislav Gasić, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia, Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Serbia.

Bratislav Gasić ayaa xaqiijiyey sida ay Serbia uga go’an tahay sare u qaadidda tababarka ciidamada Soomaaliya si kor loogu qaado tayada ilaalinta madaxda Soomaalida.

Hadalsame Media