(Moscow) 13 Abriil 2023 – Dokumentiyada Pentagon-ka ee lasoo dusiyay ayaa laga yaabaa inay qayb ka yihiin olole ay Washington ku khiyaamayso Moscow, sida uu sheegay Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibedda Ruushka ee Sergey Ryabkov.
“Maraykanku waa qayb ka mid ah dagaalka [Ukraine] wuxuuna asal ahaan wadaa dagaal isku dhafan oo naga dhan ah, khiyaanooyinka noocaas oo kale ah si loo dago cadowga, taasoo la micno ah Ruushka, waa suurtagal,” ayuu yiri Ryabkov oo la hadlay suxufiyiinta Arbacadii.
“Si dhab ah uma oranayo waxba, laakiin waxaan filayaa in xaalado kala duwani ay halkan macquul ka yihiin.” ayuu raaciyey.
Diblomaasigani waxa uu qiray in dokumentiyo sir ah oo sax ah la faafiyey hadda kahorba. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu intaa ku daray in “inta in le’eg ee guuxa hadda jira iyo warbixinnada la faafinayo ay xaqiiqda ku saleysan yihiin ay tahay su’aal u furan isaga shakhsi ahaan.”
Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd Austin, ayaa Talaadadii sheegay in dowladdu ay dusintan ”si dhab ah” u wajahayso ayna “roggi doonto dhagax kasta” inta lagu guda jiro baaritaanka ku saabsan sida loo malaynayo in galalkan sirta ihi ay usoo galeen khadka internet-ka.
Hadalsame Media