Ruushka oo jawaab ADAG ka bixiyey hindise nabadeed oo uu Faransiisku soo wado

0

(Moscow) 13 Abriil 2023 – Hindise nabadeed oo uu Faransiisku ka keenay dagaalka Ukraine ayay Ruushku ku sheegeen mid ay adag tahay in la qaato xilligan, sababtoo ah Paris waxay si cad u raacday dhinaca Kiev, sida uu qabo Afhayeenka Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ee Dmitry Peskov.

Peskov ayaa ka faallooday warbixinno kasoo baxay booqashadii uu dhowaan Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron uu ka tagay Shiinaha.

Intii lagu guda jirey casho sharaf uu Macron kula qaatay magaalada Guangzhou, in Madaxwynaha Shiinaha Xi Jinping uu u sheegay in Beijing ay soo dhawaynayso soo jeedinta Faransiiska ee ku aaddan in xal siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed laga gaaro khilaafka Ukraine, ayna diyaar u tahay inay taageerto.

Shiinaha ayaa horay usoo jeediyey dhabbe-howleed 12-dhibcood ah oo lagu soo afjarayo dagaalka, kaas oo Maraykanku si cad u diidey kahor inta aysan mid ka mid ah xulafadiisa NATO – oo ay ku jiraan Faransiiska – ama Ukraine lafteedu aysan helin fursad ay kaga falceliyaan ama uga jawaabaan.

Weli si faahfaahsan looma oga hindisaha nabadeed ee Macron, balse intii uu ku guda jirey booqashadiisa Shiinaha, hoggaamiyaha Faransiiska ayaa ka dalbaday Beijing inay cambaarayso “duullaanka” Ruushka oo ay la safato reer Galbeedka, taasoo Xi uu diiday inuu sameeyo.

Hadalsame Media