Orodyahan caan ah oo laga musaafurinayo dalka Switzerland & Waxa lagu helay

0

(Bern) 13 Abriil 2023 – Maxkamadda sare ee Gobolka Bern ayaa go’aamisay in Switzerland laga masaafuriyo orodyahanka reer Ithoopiya Mekonen Tefera.

Tefere oo 31 jir ah ayaa lagu celin doonaa dalkiisa Hooyo ee Ithoopiya markii lagu helay qiyaano.

Ciyaaryahankan oo Switzerland ku noolaa mudo 10 sano ah balse aan heysan wax sharci ah wuxuuna ku noolaa lacagta taageerada ah ee la siiyo dadka aan waxba heysan ee ceyrta.

Waxaa lagu helay in uu qarsaday lacago badan oo uu abaal marin ku helay. Sanadkii 2020-ka ayaa Ciidanka Booliska waxa ay qabteen orodyahan Mekonen Tefera oo shandad ama boorso ku wato lacag dhan (50.000) oo u dhiganta 50.000 oo doolar.

Melonen waxa uu ku doodayaa in xukunka lagu riday uu qalad yahay isla markaana lacagtaasi uu doonayay in uu caruurtiisa Makhaayas ugu furto.

Xusuusin:- Hadii ay jirto lacago ku soo galo oo aan sifaha sharciga ah soo marin fadlan dowladda la socodsii ama waaxda canshuuraha hadii aad qarsato waxaa laga yaaba in maalin ay dhib ku keento ama Switzerland lagaa masaafuriyo.

W; D:- Cabdiqani Cali Dalmar

Hadalsame Media