(Hadalsame) 13 Abriil 2023 – Bayern Munich ayaa shaqada ka joojisey Sadio Mane kaddib markii ay qolka lebiska isku qabsadeen Leroy Sane Talaadadii.
Mane ayaa feer wajiga kaga dhuftay saaxiibkiis kaddib guuldaradii 3-0 ay ka soo gaartay Manchester City lugta hore ee wareega 8-da Champions League ee ka dhacday Etihad.
Xiddigga reer Senegal, ayaa lasoo sawiray isagoo dib ugu soo laabtay tababarka Bayern saaka kana garab ciyaarayey Sane, iyadoo la moodayey inuu ka badbaadey in la ceyriyo.
Laakiin Bayern ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in laga saaray shaxda kulanka muhimka ah ee Bundesliga oo ay Sabtida la ciyaarayso Hoffenheim garoonka Allianz Arena.
Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in Mane – oo sanadkii qaata £17 milyan oo ginni – uu wajihi doono ganaax lacageed aan la shaacin.
‘Sadio Mane, oo 31 jir ah, kama mid ahaan doono kooxda FC Bayern kulanka ay gurigooda ku wajahayaan 1899 Hoffenheim Sabtida soo socota.’ Aysy Bayern tiri.
Hadalsame Media