”Isaga dhanba waa idiinkaga guurney” – Hay’ad warbaahineed oo Maraykan ah & Twitter-ka oo qoorta isu galay (Waxa ay isku qabteen?)

0

(Washington) 13 Abriil 2023 – Warbaahinta ay taageerto Dowladda Federaalka Maraykanka ee NPR ayaa go’aansatay inay isaga tagto oo iska xirto akoonkeeda Twitter-ka iyada oo ka mudaaharaadaysa in koontadeeda lagu xirey calaamad muujinaysa inay ku tiirsan tahay DF.

Madaxa Fulinta ee warbaahinta NPR, John Lansing, ayaa ku adkaystay in qaadacaadda Twitter-ku ay u “ilaalin doonto kalsoonida NPR iyo awoodda ay u leedahay inay qabato howl saxaafadeed iyada oo sumcad leh,” sida uu yiri, isagoo sheegay inaysan ka muuqan karin meel khatar gelinaysa kalsoonidooda.

Khilaafku wuxuu bilaabmay usbuucii hore, markii Twitter-ku uu NPR ku calaamadeeyey inay tahay “warbaahin xiriir la leh Dowladda Maraykanka.”

Hay’adda deeto arrintaa cabasho ka muujisay, iyaga oo ku doodaya in ku calaamadintaasi ay ka dhigayso sida kuwo la mid ah warbaahinta dowladda xiriirka la leh ee wadamada Ruushka iyo Shiinaha ayna tahay “wax aan la aqbali karin.”

Twitter ayaa mar kale dib u eegis ku sameeysay cabashada waxayna ku qortay “warbaahin ay dawladdu maalgeliso.” Si kastaba ha ahaatee, Elon Musk ayaa wuxuu difaacey go’aankii hore ee asalka ahaa, isagoo sheegay in NPR ay ku habboon tahay qeexidda ”warbaahin dowladda ee xiriirka la leh.”

NPR waxay ku dhowaad 10% dakhligeeda ka heshaa Dowlada dhexe ee Maraykanka, maamulka gobolka iyo dawladaha hoose, sida ay sheegtay kooxda Maraykanka ka jirta ee InfluenceWatch.

Hadalsame Media