(London) 12 Abriil 2023 – Wararka hoose ayaa sheegaya in Premier League ay ka fikirayaan sidii ay u dhisi lahaayeen madal warbaahineed oo iyaga u gaar ah, taas oo qeexitaankeedu ay la micne yahay in la tuuro TV-yada tebiya Horyaalka Ingiriiska aakhirkiina ay iyagu noqdaan kabtanka markabkooda.
In kasta oo ay jiraan faa’iidooyinka muuqda ee ay leedahay in aan la dhegeysan iska hadalka Gary Neville IWM, kuwaasoo soo gudbiya farriimo bulsho oo u muuqda kuwo aan dhammaad lahayn oo ay soo mariyaan Sky, tani waxa ay ka dhigan tahay isbedelkii ugu waynaa tan iyo markii la aasaasay Premier League 1992-kii.
Aragtida yaabka leh ayaa ah in tillaabadani hawada soo gashay kahor gorgortanka heshiisyada baahinta soo socda ee EPL iyo TV-yada SKY & BT. Maamulayaasha Premier League ayaa waxay u baahan yihiin inay dejiyaan qorshe fursad wayn u ah si ay iyagu si gacan koowaad ah ugu iibiyaan ciyaarohooda, halkii laga sii faa’iidi lahaa.
Marka ay muujiyaan inaysan runtii u baahnayn warbaahin dhaqameedka Sky ama BT Sport, waxay qorshaynayaan inay ciyaaraha bishii qofka uga iibiyaan £10 gini… taasoo u fiicnaan lahayd naadiyada iyo xitaa taageerayaasha, sida uu qabo Daily Mail.
Ka tebinta ciyaaraha EPL ee madal iyaga u gaar ah waxay sidoo kale la micne tahay in Premier League uu noqon karo sida Netflix-kii kubadda cagta. Netflix waxay ku dhistay ganacsigeeda iyadoo toos adeeggooda uga iibiya macaamiisha oo hadba baahidiisa loo gaaraynayo sida uu xaalkiisu yahay.
Horyaalka Premier League waxa uu isna doonayaa inuu ka madaxbannaanaado inay maamulaan warfidiyeennada kuwaas oo ah kuwa hadda lacagta siiya kaddibna ugu taliya hadba sida ay doonayaan, sida xitaa xilliyada ay tahay in ciyaarta la dheelo.
Hadalsame Media