Hooyo xaamilo ahayd oo 7 carruur ah leh oo ku dhimatay musqul la duntey & Arrin dadwaynaha looga digayo + Sawirro

0

(Hargaysa) 13 Abriil 2023 – Hooyo xaamilo ahayd oo ku geeriyootey musqul la duntey xaafada Killalka ee magaalada Hargaysa.

Hooyada dhimatay oo lagu magacaabi jirey Samiira Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Alle ha u naxariistee haysatey 7 carruura haysatey xaamilana ahayd ayaa abbaarihii 2:00 habeenimo isku dayday inay musqusha adeegsato, balse nasiib xumo way la duntey taasoo keentay inay halkaa ku geeriyootey.

Ciidanka Dab-demiska Hargaysa oo loo qayladhaamiyey ayaa deeto si deg dega goobta usoo gaarey, waxaana ay maydkii haweenayda kasoo saareen musqusha.

Gabadha dhimatay ayaana quustay musqusha oo buuxdey, waxaana ugu sii darsantay in markii ay musqushu la go’day ay ka daba timid sagxaddii dhisnayd ee musqusha oo kusii duntey.

Ciidanka Dab-demiska ayaa maydka marxuumadda ku wareejisey ciidanka Dembi Baarista ee CID-da, iyagoo dadwaynaha ku wacyigelinayaa inay ka taxadaraan godadka iyo musqulaha duugoobey.

Dhibaatada ugu wayn waxay tahay in aanu jirin nidaam dhexe sidaa darteedna musqul kasta waxaa loo qodaa god u gaar ah oo laga dul dhiso, taasoo sahlaysa inay dhacdo halistan oo kale, maadaama uu qofku godkii ku dul taagan yahay.

Hadalsame Media