XOG SIRDOON: Sirdoonka halista ah ee Mossad oo la sheegay inay hoos ka taageerayeen bannaanbaxyada Israel

0

(Tel Aviv) 12 Abriil 2023 – Hay’adda Sirdoonka Israa’iil ee Mossad ayaa howlwadeennadeeda iyo guud ahaan shacabka ku dhiirigelisey inay ka qaybqaataan mudaaharaadyo waawayn oo looga soo horjeedo qorshaha dib u habaynta garsoorka ee uu soo jeediyey Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, sida lagu sheegay waraaqo sir ah oo ka soo baxay Pentagon-ka oo dadwaynaha loo dusiyey.

Xogtan ayaa lagu soo daray warar sirdoon oo dibedda u baxay Maarso 1, taasoo laga dhex helay dokumentiyo xasaasi ah oo kasoo baxay Wasaarada Difaaca ee Maraykanka oo dhowaan kasoo muuqday online-ka, sida ay sheegayaan warbixino ay Axaddii soo saareen dhowr xarumood oo warfaafineed oo ay ku jiraan Washington Post iyo New York Times.

Horraantii ilaa bartamihii Febraayo, taliyayaasha ugu sarreeya ee Adeegga Sirdoonka Dibedda ee Israa’iil oo loo yaqaan Mossad ayaa “waxay u ololeeyeen in saraakiisha Mossad iyo muwaadiniinta Israa’iil ay ka mudaaharaadaan isbeddellada garsoor ee ay soo jeedisay Dowladda cusub ee Israa’iil, sida in la wiiqo awoodda xildhibaannada Aqalka Kneset-ka.”

Qoraalka laguma soo bandhigin magacyada madaxda Mossad ee la sheegay inay soo direen baaqyadaas, iyo wax tafaasiil kale ah.

Axaddii, xafiiska Netanyahu ayaa soo saaray bayaan isagoo ku hadlaya magaca Mossad, isagoo diidaya warbixinnadan wuxuuna ku dhaleeceeyay inay yihiin “qaar been abuur ah oo aan wax aasaas ah lahayn.”

“Mossad iyo saraakiisheeda sare ee u adeegaya kuma aysan mashquulin arrinta mudaaharaadka haba yaraatee waxayna u heellan yihiin qiimaha u adeega dalka taasoo hageysey Mossad tan iyo markii la aasaasay.” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska RW.

Hadalsame Media