(Hadalsame) 12 Abriil 2023 – Halyeeygii Chelsea ee Gianfranco Zola ayaa qirtay inuu taageere wayn u yahay xiddigga Real Madrid iyo xulka Brazil ee Vinicius Jr.
Chelsea waxa ay caawa la kulmaysaa Real Madrid oo ay wada ciyaarayaan lugta hore ee sideed dhamaadka Champions League.
Zola ayaa u sheegay AS Vini Jr: “Waxaan la qabaa Carlo (Ancelotti) taas, haa. Vinicius waa mid ka mid ah kuwa ugu dheellitiran dunida,”.
“Wuxuu ka tagaa raacaha, wuu yaqaanaa sida wax loo allifo… Haddii uu kubbadda ku wato cagtiisa ama uu kaligii ciyaarayo, marka uu dhaqaaqo ma joojin kartid,” ayuu yiri.
Waxa uu sidoo kale kasoo fiicnaanayaa dhanka dhamaystirka, waxa uu noqonayaa weeraryahan dhamaystiran. “Waa inaad aad u fiicnaataa, si aad kaydka u geliso Hazard.” ayuu raaciyey.
Hadalsame Media