Kulankii derby-ga CL ee Inter vs Milan & Midka caawa ee Milan vs Napoli oo meel iskaga ekaaday

0

(Milano) 12 Abriil 2023 – Kooxda haysata horyaalka Talyaaniga ee AC Milan ayaa caawa waxay gurigeeda ku wajahaysaa kooxda sanadkan u sharraxan ee SSC Napoli, xilli uu CL uu af Talyaani ku hadlayo 18 sano kaddib oo ku beegan markii ugu dambaysey ee uu dhaco kulan derby ah oo CL ah.

Waxaase yaab leh inay taariikhdu isku beegantay, waayo waxay ahayd maanta oo kale Abriil 12, 2005 markii luga 2-aad ee wareegga 8-da Champions League uu dhexmaray Inter iyo Milan.

Waxay ahayd ciyaar taariikhi ahayd oo buugaagta ku kaydsan, taasoo ay ugu wacan tahay qalalaasihii ay sameeyeen taageereyaasha Inter oo dab bulalayr ah ku tuuray goolwalaha Milan ee Dida, taasoo keentay in ciyaarta 3-0 lagu siiyo Rossoneri.

Maanta, sida saxda ah waxay ku beegan tahay 18 sano kaddib, markii ugu dambaysey ee ay laba kooxood oo Talyaani ah ay iskaga hor yimaadaan rubuc-dhamaadka Champions League: tiyaatarkuna wuxuu noqon doonaa isku mid (San Siro) kooxuhuna waa AC Milan balse kooxda kasoo horjeedda markan waxay noqon doontaa SSC Napoli.

May be an image of 5 people, people playing football, people playing soccer and text that says 'G NATERAZZI 23 AUICOST RUI COSTE 12 APRILE 2005 Quarto di finale di ritorno tra Inter e Milan Emirates FLY BETTER Lete 0MSC 12 APRILE 2023 Milan-Napoli, di nuovo un quarto di finale tutto italiano'

Hadalsame Media