(London) 12 Maarso 2023 – Old Trafford ayaan marti galin doonin ciyaaraha Euro 2028 kaddib markii garoonka ugu wayn kuwa kooxaha England laga saaray liiska garoomada loo gudbiyey UEFA taasoo qayb ka ah musharraxnimada UK iyo Ireland.
Toban garoon ayaa lasoo jeediyey in lagu ciyaaro tartanka, kuwaasoo ay ku jiraan labo aan weli la dhisin – sida midka Everton ee Bramley-Moore Dock iyo Casement Park oo ku yaalla Belfast.
Yeelkeede, Old Trafford oo ah a awooda ugu qaadka wayn England marka la eego kuwa ay kooxuhu leeyihiin, guud ahaanna 2-aad ugu jira midka qaranka ee Wembley laga cunay liiska.
Sababta looga saaray liiska 14-ka garoon ayaa lagu sheegay dayaca dhulka garoonka oo loo aanaynayo milkiilayaasha United, kuwaasoo ah qoyska reer Glazer.