”Faruurtii ayaa dillaacday” – Sadio Mane oo qolka lebbiska ku dhex feeray laacib muhim ah oo ka tirsan Bayern Munich

0

(Manchester) 12 Abriil 2023 – Sadio Mane ayaa lagu soo warramayaa in uu feer wejiga kaga dhuftay saaxiibkiis Leroy Sane kaddib guuldaradii 3-0 ee Bayern Munich kasoo gaartey Manchester City lugta hore ee siddeed dhamaadka Champions League.

Gacan ka hadalkan ayaa ka dhacay qolka lebiska kaddib seerigii ugu dambeeyey ee gegadii guuldarrada lagu baday ee Etihad Stadium Talaadadii xalaytoole.

Sane iyo Mane ayaa la arkayey iyagoo isku khilaasan gudaha garoonka qaybihii dambe ee ciyaarta, wax yar kaddib markii City ay seddex gool hoggaanka ciyaarta ku qabatay kaddib goolkii Erling Haaland.

Sida laga soo xigtey wargayska Bild ee Jarmanka, doodda ayaa sii socotay ciyaarta kaddib iyadoo Mane uu ka caroodey sida iyo qaabka uu Sane ula hadlayey.

31-sano jirkan ayaa la sheegay inuu Sane ku dhex feeray qolka lebiska, taasoo keentay in saaxiibkiis uu faruurta ka dhiigo, iyadoo ciyaartooyda Bayern ay soo dhex galeen si ay u kala qabtaan labada ciyaaryahan.

Hadalsame Media