Daalibaan oo qaadday tillaabo si yaab leh looga dareemay suuqyada dalka Maraykanka

0

(Hadalsame) 12 Abriil 2023 – Ku dhowaad hal sano ayaa laga joogaa tan iyo markii Taliban ay mamnuucday beerashada daroogada poppy-ga Afqaanistaan ee loo isticmaalo soo saarista maadada opioids. Saamaynta tillaabadan ayaa ayaa taabatay suuqyada caalamka, marka loo eego dib u dhaca daroogadan asliga ah oo jeclaayeen macaamiisheedu.

Waxaad u malayn lahayd inay taasi keeni doonto inuu suuqu nasto, balse sida muuqata sidaa xaalku maaha. Warbixinadu waxay hadda soo jeedinayaan in la’aanta heroin-ka Afgaanistaan ee suuqa caalamiga ihi ay horseedi karto kororka isticmaalka opioids-ka macmalka ah sida fentanyl.

Opioids-ka macmalka ah ee Shiinaha iyo Mexsico ayaa si isa soo taraysa loo isticmaalayaa haatan, taasoo ay ka dhashaan dhimashooyin badan.

Intii lagu guda jirey Dagaalkii Caalamiga ahaa ee uu Maraykanku ka bilaabay Afgaanistaan 2001, qiyaasta heroin-ka lagu cabo Maraykanka iyo meelaha kale ee dunida ayaa aad kor ugu kacday.

Inkasta ay Washington gacanta ku haysey dalka iyo dawladeeda labaatankii sano ee la soo dhaafay, misna kaliya kumay guuldarraysan inay yareeyaan beerista iyo dhoofinta opium-ka Afgaanistaan, laakiin waxay goobjoog u ahaayeen kororkiisa.

Hadalsame Media