”Yaan dheelsiinnaa?” – Koox dhan oo gebi ahaanba la kala diray kaddib markii ay ciyaartooydeedii Yurub u tahriibeen

0

(Tuunis) 11 Abriil 2023 – Koox ka dheesha heerka afraad ah ee kubadda cagta Tunisia ayaa mar qura noqotay laacibiin la’aan kaddib markii ay 32 ciyaaryahan ay si sharci darro ah ugu tahriibeen qaaradda Yurub.

Kooxdan oo la yiraahdo Ghardimaou ayaa ku dhawaaqday in lagu khasbay inay joojiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyadooda ka qaybgalka tartamada iyo ciyaaraha ee mustaqbalka dhow.

Madaxwaynaha kooxda, Jamil Meftahi, ayaa ciyaartooy la’aanta ku sababeeyey in 32 ciyaartooy ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay u socdaaleen qaaradda Yurub iyadoo ay jirto dhibaato dhaqaale oo quus ah oo ka taagan Tunisia.

Mr Meftahi ayaa sheegay in ciyaartooydu ay Yurub u tageen sabab la xiriirta dhaqaale xumo, wuxuuna qiray in kooxdu aysan awoodin inay bixiso mushaarka ciyaartooyda.

Club: AS Ghardimaou

Hadalsame Media