(New York) 11 Abriil 2023 – Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres, ayaa goor dhowayd ka degey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia.
Waa booqasho 2 maalmood qaadan doonta, isagoo diiradda saaraya nabadda, xasilloonida, iyo horumarka socda.
Marka laga soo tago Muqdisho oo uu iminka ka degey waxaa kale oo uu booqan doonaa Baydhabo, isagoo kulammo muhim ah la qaadanaya islamarkaana booqasho ku tagaya xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo maxalli ah.
Sarkaalka ugu sarreeya QM ayaa beri dhowayd sheegay inuu hadda kahor “soomay” si uu hiillo ugu muujiyo Muslimiinta, welibana uu soomiddaas ku fahmey “nolosha xaqiiqada ah” ee Islaamka, isagoo ku baaqay in diimuhu ay nabad ku wada noolaadaan, sida uu yiri.
Wuxuu Guterres farta ku godey in booqashadiisa Somalia, oo uu hadda kahorna tegey, ay daarran tahay si uu taageero ugu muujiyo maadaama ay Somalia soo martay sanado badan oo xasillooni darro, abaaro iyo baahi ah, sida uu yiri.
Waxaa xusid mudan inay XG ee QM ay garoonka kusoo dhoweeyeen Ciidanka Xoogga Dalka oo uu salaan sharaf ka qaatay halkii ay kasoo dhowayn lahaayeen kuwa ATMIS.
Hadalsame Media