(Kiev) 11 Abriil 2023 – Maraykanka ayaa aaminsan in canaasiir ka tirsan sirdoonka Ukraine ay weerar ku qaadeen diyaaraddii basaaska ahayd ee Ruushka laga lahaa ee ku sugnayd Belarus iyaga oo aan ogolaansho ka haysan islamarkaana ogaysiin Dowladda Ukraine, sida uu sheegay saxafiga Breaking Points ee Saagar Enjeti, isagoo soo xiganaya dokumentiyo sir ah.
Weerarkan ayaa loo adeegsadey diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka taasoo waxyeello yar u gaysatey diyaaradda digniinta hore bixisa ee Ruushka A-50 ee fadhigeedu ahaa saldhigga ciidamada cirka ee Mahulishchy ee Belarus bishii hore.
Maamulka Belarus ayaa xirey tiro tuhmanayaal ah, mid ka mid ah ayaana lagu eedeeyey inuu xiriir la lahaa qaybta sirdoona booliska Ukraine, SBU, kaasoo Madaxwaynaha Belarusia ee Alexander Lukashenko uu ku eedeeyey inay soo abaabuleen weerarka isagoo gacan ka helaya CIA-da Maraykanka.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ukraine ayaa ”qayb ahaan” beenisey inay tillaabadan wax lug ah ku leedahay Kiev, halka La-taliyaha Madaxwaynaha Ukraine ee Mikhail Podoliak uu ku eedeeyey weerarka dad ka tirsan isla “gudaha Belarusia.”
Pentagon, ayaa si kastaba ha ahaatee, waxay qiimaysay in SBU ay fulisey weerarka iyada oo aan oggolaansho ka helin Madaxwayne Vladimir Zelensky ama saraakiishiisa, sida uu Enjeti ku sheegay warbixin muuqaal ah goor dhow.
Dokumentiyada Pentagon-ka ayaa la dusiyey iyadoo lagu faafiyey baraha bulshada usbuucii hore, waxaana tan iyo markaas ay helayeen dareenka warbaahinta.
Hadalsame Media