DAAWO: SSC Napoli oo ay dhibaato wayni ka haysato dhinaca weerarka kahor kulanka berri ee AC Milan (Osimhen oo laga quustay)

0

(Napoli) 11 Abriil 2023 – Weeraryahanka kooxda Napoli ee Victor Osimhen ayaa horraanba ka tagay xarunta tababarka Partenopei ee Castel Volturno isagoo aan ku biiri doonin asxaabtiisa kulanka adag ee Champions League Arbacada la leh AC Milan.

Ciyaaryahankan heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa waxaa dhaawac muruqa ihi uu kasoo gaarey intii uu ku guda jiray waajibaadkiisa qaran ee Nigeria dhamaadkii bishii Maarso, welina ma soo kabsan.

Waxa uu seegi doonaa kulanka lugta hore ee wareega 8-da Champions League oo ay AC Milan la ciyaarayaan Arbacada berri ah, sidaas si la mid ah ayuu isna maqan yahay Giovanni Simeone.

Osimhen ayaa subaxnimadii Talaadada si gooni gooni ah u tababaranayey isagoo ka soocan kooxda inteeda kale, waxaase uu markii dambe gaarigiisa kaga soo baxay xarunta Konami Center, halka saaxiibadiis ay dhowaan ku wajahan yihiin magaalada Milano, halkaasoo Spalletti iyo kabtanka Giovanni Di Lorenzo ay kula hadli doonaan warbaahinta shir jaraa’id oo ka hor kulanka 18:00 GMT.

Sidaa darteed, tababaraha kooxda Napoli ee Luciano Spalletti ayaa wajahaya dhibaato dhanka xulashada weerarka ah kahor kulanka Arbacada ee Champions League ee AC Milan iyadoo Victor Osimhen iyo Giovanni Simeone ay dhaawacmeen halka Giacomo Raspadori uusan fayaqab buuxa lahayn.

Hadalsame Media