Sirdoonka UK oo isha ku haya 19 nin oo la tuhunsan yahay inay argagixiso yihiin (4 Somalia u dhashay oo ku jira)

0

(London) 11 Abriil 2023 – 19 qof oo looga shakisan yahay inay argagixiso yihiin ayaa dalka Britain ku soo galay iyaga wata doomo yar yar oo soo maray Hilinka Ingiriiska, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ihi u sheegeen Daily Mail.

Muwaadiniinta ajnabiga ah ee lala xiriirinayo kooxaha ay ka mid tahay Daacish ayaa waxay si sharci darro ah ku gaareen Boqortooyada Ingiriiska iyagoo ka yimid woqooyiga Faransiiska sannadkii hore ee 2022-kii.

Intooda badani waxay UK ka xareeysteen dacwadaha magangelyo doonka lamana masaafurin karo, qayb ahaan, marka la eego sharciyada xuquuqda aadanaha.

19-ka nin ayaa hadda la rumaysan yahay inay degan yihiin hoteello uu kharashkooda bixiyo canshuur bixiyaha Ingiriisku.

Yeelkeede, todoba ka mid ah waxa durba ‘baaritaanno firfircoon’ ku hayey waddamo kale markii ay Uk imaanayeen, sida la fahamsan yahay.

Qaar ka mid ah 19-ka tuhmane ayaa hadda waxaa ilaalo ka haya Adeegga Nabadsugida ee MI5, qaybta dhegeysiga ugu qaybsan Dowladda ee GCHQ, iyo booliiska la dagaallanka argagixisada, sida la rumeysan yahay.

Laakiin dowladdu ma awoodo inay dalka ka saarto midkoodna ka mid ah 19-kaas la tuhunsane, sababtoo ah waxay ku doodayaan inay la kulmayaan khatar jirdil ama in si xun loogula dhaqmo dalalkooda.

Shan ka mid ah tuhmanayaashan argagixisada lagu eedaynayo ee yimid sannadkii hore waxay u dhasheen Ciraaq, 5 kale waxay u dhasheen Iran, afar waxay u dhasheen Afgaanistaan, afar kalena waxay u dhasheen Soomaaliya iyo mid Liibiyaani ah.

Hadalsame Media