Halis ka iman karta qorshe ay DF Somalia ka hirgelinayso Muqdisho oo laga digey

0

(Muqdisho) 11 Abriil 2023 – Madaxwaynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay go’aanno uu dhawaan shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay dowladda ku xakamayneyso hubka lagu dhex wato caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Cali Cosoble ayaa farta ku fiiqay in go’aanka Madaxwaynuhu uu yimid waqti aan munaasib aheyn, isaga oo ka digey inay ka dhalan karto halis aan lagu baraarugsanayn oo amaan, maadaama hubka culus ee siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dowladdu uu qayb ka yahay sugidda amnigooda, oo aanay caasimadda xitaa mari kari doonin haddii ay kaxaystaan ilaalo sidata hub fudud, sida uu ku doodayo.

“Marka uu qofka mas’uulka ah ku dhex wato magaalada dhashiike iyo dabajeex wuxuu sitaa hub ka waaweyn hubka ay argagixisada ku dhex wadan karto magaalada. Hadduusan hubkaa waaweyn wadan waa la soo hunguriyeynayaa naftiisana khatar ayey galeysaa.”

Hadalka Cosoble ayaa imanaya xilli ay Xukuumadda Soomaaliya ay Axaddii soo saartay xeer ka kooban 15 qodob oo lagu doonayo in lagu xakameeyo hubka culus ee lagu dhex qaato magaalada Muqdisho iyo ka ganacsiga agabka ciidamada.

Waxaa hubka lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu wato ka mid ah midka saaran gaadiidka ee meel dhexaadka ah sida qoryaha RBG-7, BKM, Dhashiikaha, Seekaawaha IWM.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay in cid aan DF ahayni ay dalka keento hub ama gaadiid ciidan, sida Cabdi-bilaha iyo dharka ciidanka, waloow aan la ogayn meel uu Cabdi Bile ku noqday gaadiid ciidan oo qura.

Intaa kuma harine DF ayaa waxay ku gooddisey cawaaqibka ka dhalan doona cidii jebisa xeerkaan ee u hoggaansami wayda, taasoo lagala wareegayo gaadiidka ama hubka, oo si toos ah u noqonaysa hanti dowladeed.

Si kastaba, hadalka Cosoble ayaa daarran in arrimahan aan lagu fududaanin maadaama ay dalka joogaan dad badan oo hub sita oo aan dowladda ahayn, loona baahan yahay hub ka dhigis heer qaran ah oo dalka oo dhan laga hirgeliyo.

Hadalsame Media