Ciraaq oo suuqa saliidda Hindiya ku fellisaya dalka Sucuudiga (Imisa ayay fuustadii ka siinayaan?)

0

(Baqdaad) 11 Abriil 2023 – Ciraaq ayaa hoos u dhigtay qiimaha saadka saliidda ee ay siiso Hindiya bishii Febraayo iyada oo ay si isdaba joog ah u socdaan shixnadaha ka imanaya Ruushka ee kasii jaban, sida ay qortay Bloomberg Talaadadan, iyada oo soo xiganaysa tirokoob rasmi ah oo hordhac ah.

Sida laga soo xigtey wargayska, qiimaha cayriin ee saliidda Ciraaq ayaa celcelis ahaan ahayd $76.19 oo Doollar fuustadii, marka la barbardhigo $78.92 bishii Janaayo.

Xogta laga helay Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha ee Hindiya ayaa lagusoo warramayaa inay muujinayso in saadka Ruushku uu celcelis ahaan ahaa $72.14 fuustadii, kaasoo wax yarna ka hooseeya bishii kasii horreeysey.

Dhanka kale, shiidaalka ka yimaada Sacuudiga ayaa ahaa kii ugu qaalisanaa ee ay iibsato Hindidu bishii Febraayo, isagoo celcelis ahaan ahaa $87.66 fuustadiiba, halkii uu ka ahaan jirey $85.84 bil kahor.

Hindiya ayaa hoos u dhigtay saliidda laga soo dhoofiyo Bariga Dhexe xilli ay sii kordhayaan badeecadaha saliideed ee ka imaanaya Ruushka. Sida laga soo xigtay raadraacaha xamuulka tamarta ee Vorteca, iibsiga waddankaasi ee saliidda Ruushka ayaa gaartey heerkii ugu sarreeysey abid oo ah 1.64 milyan oo fuusto maalintii bishii hore.

Moscow waxay ahayd halka ugu wayn ee New Delhi ka iibisa saliid cayriin lix bilood oo xiriir ah, iyadoo qaybteeda ay ku lahayd suuqa saliidda Hindiya uu gaarey 34% bishii Maarso – taasoo laba jeer ka badan tirada dalka caadiyan saliidda ka iibiya ee Ciraaq.

Ciraaq ayaa lagu soo warramayaa inay haatan rakhiisisay saliidda ay siinayso Hidniya iyadoo u rartay 821,952 bpd bishii hore, taas oo ka dhigaysa saliid bixiyaha saddexaad ee ugu wayn marka laga reebo Sacuudi Carabiya, oo dhoofisay 986,288 bpd iyo Ruushanka.

Hadalsame Media