Wiil uu dhalay hoggaamiye sare oo Shabaab ah oo lagu qabtay dalka Costa Rica (2 dal oo isku tuurruuray & Halka loo wado)

0

(San José) 10 Abriil 2023 – Mas’uuliyiinta Costa Rica ayaa xiray kaddibna masaafuriyey Lutrnan Warsame Faarax, oo ah wiilka ugu wayn hoggaamiyaha sare ee Al-Shabaab, oo ah koox argagixiso Soomaali ah, sida lagu qoray The Tico Times.

Waxaa lagu xirey dalka Costa Rica, halkaasoo uu hoteello ku deganaa, isagoo isticmaalaya aqoonsiyo been abuur ah iyo baasaboor Swedish ah oo qof kale leeyahay.

Faarax waxaa dib loogu musaafuriyey Guatemala iyadoo ay wadaan wakiillo ka socday Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (DIS) balse dib ayaa loogu celiyey Costa Rica.

FBI-da ayaa ka digtey bishii Febraayo 2023-kii suurtagalnimada joogitaanka xubin ka tirsan Al-Shabaab ee Costa Rica, Faaraxna waxa uu ku jiraa liiska FBI-da ee Xarunta Baarista Argagixisada.

Maamulka Nabadsugidda DIS ayaa shaaca ka qaaday in Faarax uu soo galay Costa Rica 4-tii Janaayo 2023-kii, isagoo isticmaalaya baasaboor Swedish ah oo magaciisa lagu sheegay Luqman Abdl Aziz.

Waxa uu deeto dalka joogey muddo bil ah kahor inta aanu xuduudeeda uga tillaabin si aan caadi ahayn isagoo u socda dalka ku dheggan Nicaragua ee isna dhaca bartamaha Ameerika.

Al-Shabaab ayaa muddo dheer doonayey inay afgembiyaan Dowladda Soomaaliya, islamarkaana waxay sheegayeen inay maamul Islaami ah ka dhisayaan gobolka, waloow hab-dhaqankoodu aanu ahayn mid dadka ku dhiirrigelinaya inay xitaa taasi ka dhab tahay.

Hans Sequeira, Agaasimaha Guud ee DIS Director, ayaa sheegay inuu sharcigu qabo in eedaysanaha lagu celiyo halkii uu kasoo galay sharciyan marka la eego xeerka caalamiga ah, sidaa darteed, ay u celin doonaan Somalia

Hadalsame Media