(Istanbul) 10 Abriil 2023 – Ciyaaryahanka Jarmanka iyo Turkiga ee Mesut Ozil ayaa laga yaabaa inuu u tartamo doorashada Turkiga bisha soo socota, sida ay qortay Haber7 news galabta.
Inkastoo Ozil lagu xamanayey inuu qorshaynayo inuu galo xirfadda siyaasadda, haddana sheekadaa markii dambe waa la tirtiray.
Maqaalka ayaa sheegay in magaca Ozil uu kasoo muuqday liiska musharraxiinta xisbiga talada haya ee AKP ee Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan, sida uu ku warramay wargayska Jarmanka ee Bild.
Si kastaba ha ahaatee, maqaalkan waa la tirtiray tan iyo markaas, magaca Ozil-na meelna loogama helin liisaska murashaxiinta ee ay daabaceen Haber7 iyo xarumaha kale ee warfaafinta Turkiga.
Ozil ayaa ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta bishii Maarso, isagoo sabab uga dhigay “dhaawacyo waqti dheer ah” oo soo gaaray toddobaadyadii iyo bilihii hore.
Waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray Germany, Ozil waxa uu u soo ciyaaray xulka qaranka Germany intii u dhaxaysey 2009 ilaa 2018-kii, isaga oo door muhim ah ka qaatay guushii ay kooxdu ku qaadday Koobkii Adduunka 2014-kii.
Hadalsame Media