(Liverpool) 10 Abriil 2023 – Indhaha Andrew Robertson ayaa waxay la taagnaayeen la yaab, markii Mohamed Salah uu isku dayay inuu kaxeeyo. Waxa uu lahaa muuqaal aad ka filan karto qof hadda uun la kulmay xaalad naxdin, rumaysi la’aan iyo yaab isu raaceen.
“War wuxu suxul ayuu ii dhiibey!’ ayuu Robertson kula qayliyey Salah. Caradiisu waxay noqon lahayd mid macquul ah haddii uu qalka ku dhufan lahaa ciyaaryahan kasoo horjeeda, laakiin waa kaaliyihii garsooraha???
Kaliya marka aad is leedahay inaad soo aragtay wax walba oo yaab leh oo ka dhici lahaa kubbada cagta, waxaa kuu imanaya wax kaa yaabinaya.
Constantine Hatzidakis ayaa runtii xusul ku dhuftay ciyaaryahan Robertson, xilli ciyaartooyda Liverpool iyo Arsenal ay u baxayeen qaybtii nasashada, ciyaartii galabta ee 2-2 ku idlaatay.
Markii uu Robertson garoonka ka baxayey kuna sii jeeday dusmada ciyaartooyda, waxa uu u muuqday in uu wax ku yiri caawiyaha garsoore Constantine Hatzidakis isaga oo si fudud u taabtay xusulkiisa midig.
Hatzidakis ayaase ku jawaabey isagoo xusulka kor ugu qaadaya wejiga Robertson, sida ay qorayso saxaafadda Ingiriiska sida DM.
Hadalsame Media