(Manchester) 10 Abriil 2023 – Ragga doonaya iibsiga Manchester United ayaa sii niyad xumaanaya – iyaga oo aan helin wax wacaal ah tan iyo markii ay direen dalabkii labaad in ka badan laba toddobaad kahor.
Waxa kale oo jira walaacyo isa soo taraya jeer ay saacaddu ku socoto, haddii qoyska Glazer ay aqbalaan soo jeedinta in kooxda la wada siiyo hal iibsade waqti ku filan uma heli kari doonana suuqa kala iibsiga.
Dalabyada labaad waxaa ayaa waxaa la diray 23-kii Maarso, taasoo ka kala timid Bilyaneerka Ingiriiska ah ee Sir Jim Ratcliffe’ iyo maalin kaddib oo la helay Sheekha u dhashay Qadar ee Sheekh Jassim bin Hamad al-Thani.
Haatan se, Sportsmail ayaa waxa ay fahansan tahay in xaaladdu ay jiitamayso ayna weliba keentay niyadjab iyo xitaa xanaaq laga dareemayo dhinacyada qaarkood, waxaana uu dhibku ka taagan yahay inaan ilaa haatan lagu warcelin labadan nin ee dalabka gudbiyey.
Si kastaba, Sheekh Jassim ayaa horay u shaaciyey inuu damacsan yahay, haddii uu ku guulaysto dalabkiisa, inuu maalgashi ballaaran sameeyo.
Lacago muhim ahna ay u badan tahay in loo diyaariyo macallin Erik ten Hag isagoo doonaya inuu dib u qaabeeyo una xoojiyo kooxdiisa.
Waa la arki doonaa waxa tillaabada soo socota ee Glazers ay noqon doonto. Dalabka ayaa loo malaynayaa inay ahaayeen £5 bilyan oo gini, iyada oo milkiilayaasha Maraykanku ay ku doonayaan ilaa £6bn.
Hadalsame Media