(Hadalsame) 10 Abriil 2023 – Riyadii Abiy Axmed maxaa ka rumoobaya?
Waxaa la is wada wayddiinayaa suuragalnimada riyadii weynayd ee Abiy Axmed ka lahaa isbeddel gun iyo baar ah oo uu ku sameeyo hannaanka dawladeed ee Itoobbiya iyo horumarinta. Kacdoonkii dulmi-diidka ahaa ee maamulkii qawlaysatada Tigraay la ga ga takhallusay isaguna talada ku yimid waxaa ka dhashay riyo weyn oo ninkani la yimid, oo ahayd in Itoobbiya noqoto dal dimuqraaddi ah oo dadku xor u yihiin fikirkooda iyo doorashada dawladdooda, bulshadu siman tahay, deriskeeda oo dhan heshiis iyo iskaashi la leh, dhaqaaluhu degdeg u koro, Biyaxidheenka Weyn ee Horumarku waxsoosaarkiisa bilaabo, sidaana Itoobbiya ku noqoto dal casri ah dhinac walba.
Haddaba waxaa muuqata riyadaa quruxda badan xaqiijinteedu in ay aad u dhutinayso. Dagaalkii adkaa ee la la galay Tigraaygu wax uu fuuqsaday lacag aad u badan, waxaana kale oo joogsaday inta badan deeqihii Maraykanka iyo Midowga Yurub. Waxaa aad hoos u dhacay koboca dhaqaalaha, sicirbararka ayaa cirka is ku shareeray, sarrifka Birku aad buu u jabay, maalgashi badan oo shisheeye ayaana dalka ka baxay ama iman waayay, waxsoosaarkii biyaxidheenkuna sida muuqata waqtigii la qorsheeyay dib buu u ga dhacay. Dhanka dimuqraadiyaynta fari ka ma qodna, oo doorashadii u dambaysay waxba ma ay dhaamin kuwii Tigraaygu qaban jireen. Sidaa darteed waxaa muuqata riyadii macaanayd xaqiijinteedu in aanay weli macaanaan.
In dagaalkii Tigraaygu soo afjarmay wax ay noqon lahayd bilow cusub oo waxqabad iyo horumar loo jeesto, wax ay se u eg tahay Abiy Axmed in uu si kale wax u arko. Qoomiyadaha ay mid waliba gaarka u hubaysan tahay waa awoodo la wada mid ah qoladaa la ga soo waranjiiday. Waa awoodo la loollamaya dawladda dhexe oo aan la ga shaqayn karayn. Waa miino aasan oo haddii aan la saarin goor kasta ku qarxaysa dalkiisa iyo isaga maamuulkiisaba. Waa awoodo shisheeyuhu dalkiisa u adeegsan karo, tusaale ahaan Masar iyo reer Galbeed. Sidaa darteed go’aanka adag ee uu dhowaan qaatay ee ah baabi’inta malleeshiyadka qoomiyadaha ee loo yaqaan Liyuu Booliis, wax uu u arkaa arrin daruuri ah oo masiiri ah. Hayeeshee dad badan baa ka digaya tallaabadani in ay noqon karto fidno weyn oo maamulkiisa galaafata. Qoomiyadaha oo dhan dagaallo xuduudeed baa ka dhexeeya, aad bayna u ka la baqayaan, qolo kastaana hub ka dhigista wax ay u aragtaa khatar weyn. Waa sababta uu hawshaa u ka la horraysiiyay ee dib u gu dhigay Tigraayga iyo Oromada oo labaduba cabsi badan ka qaba Amxaarada. Laakiin tani wax ay dhankeeda cadho gelisay Amxaarada oo u aragta in loo garbaduubayo labada qolo ee kale, si adag oo colaad leh ayayna u diideen hub ka dhigista. Laakiin Abiy Axmed go’aankaa wuu ku sii adkaysanayaa, shalayna wax uu u gu laabqaboojiyay in aan cidna hubka la ga dhigayn ee keliya malleeshiyaadka qoomiyadaysan loo beddelayo millateri iyo bilays heer fadaraal.
Hub ka dhigista qoomiyadaha iyo xoojinta is haysigooda waddaniyadeed, iyo soo celinta haybadda dawladda dhexe, wax ay lamahuraan u tahay xaqiijinta riyadii Abiy Axmed ee ahayd Itoobbiya xor ah, dimuqraaddi ah, siman, nabad ah, oo hodan ah. Cidda ilaa imika taa carqaladaynaysaana waa Amxaarada oo sedbursi iyo sarrayn baratay, Tigrayga oo waayay kaalintii ay saddonka sano isa siiyeen iyo qorshihii ay ku gaar yeeleen gobolkooda, iyo Oromada oo ka baqaysa in xaqeedii ay u baraarugtay mar kale la ga seexiyo oo Amxaaradu ku soo noolaato. Heerka u gu xun ee loollanka qoomiyaduhu gaadhi karo, ee riyada Abiy Axmed iyo midnimada Itoobbiya labadaba cimrigooda soo gaabin karaa, waa dagaal baahsan oo ka dhex qarxa Oromada iyo Amxaarada, oo ah labada qolo ee u gu tiro iyo abaabul badan, is la markaa ah labada ninkan is ku riixriixa isaguna midba gacan ku hayo.
Si walba iyo waxaas oo dhan oo jira, sida muuqata Abiy Axmed wuu ku sii mintidayaa xaqiijinta riyadiisa. Waa nin da’yar, waa nin maskax badan, waa dal dunidu aad u danayso, sidaa darteed wax uu haystaa waqti iyo fursad uu riyadiisa run ka dhigo. Soomaalida Geeska Afrikana ma jirto Itoobbiya iyaga u ga khayr roon taa riyada ah ee Abiy Axmed.
W; Q: Ibraahim Hawd
Hadalsame Media