Nin middi ku weeraray imaan masjid ku yaalla Maraykanka xilli la sujuudsanaa + Sawirro

0

(Paterson) 10 Abriil 2023 – Nin mindi ku hubaysan ayaa weerar ku qaaday Imaamka Masjid lagu magacaabo Cumar Binu Khaddaab oo ku yaalla magaalada Paterson ee carriga Maraykanka.

Ninkan weerarka ah ayaa Masjidka gudaha u soo galay xillii ay dadku tukanayeen Salaaddii subax isla markaana ay sujuudsanaayeen.

Muuqaal ay duubeen Kamaradaha Masjidka ayaa muujinayey ninka dhaawaca geystay oo soo dhaafay dadkii kale isla markaana mindi gelinaya Imaamka.
Isaga oo markiiba isku deyey in uu goobta ka cararo.

Jameecada Masjidka ku tukanaysay ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan ninkii falka geystay, iyaga oo ku wareejiyey laamaha ammaanka.

Imaamka waxyeellada la gaadhsiiyey oo lagu magacaabo Sayid Naqiib ayaa hadda lagu dawaynaya Cisbitaal ku yaalla magaalada uu weerarku ka dhacay.

W; D: Khaalid Foodhaadhi

Hadalsame Media