“Nama wajihi karaane waxay nagula dagaallamayaan gacmaha Ukraine” – Ruushka oo furka ku xooray Jarmanka

0

(Berlin) 10 Abriil 2023 – Jarmanku waxa uu samaynayaa wax kasta oo suurtogal ah si uu uga fogaado dagaal toos ah oo uu la galo Ruushka, taas beddelkeedana waxa uu Ukraine u isticmaalayaa dagaal wakaaladeed isaga oo isku dayaya in uu guuldarro istiraatijiyadeed u gaysto Moscow, Safiirka Ruushka ee Berlin, Sergey Nechaev, ayaa sidaas sheegay.

Intii lagu guda jirey waraysi uu siiyay wargayska Izvestia ee la daabacay Isniintan, Nechaev ma uusan meesha ka saarin in Jarmanku uu diyaarado dagaal siin doono Kiev, inkastoo Chancellor Olaf Scholz uu ku celceliyey bilihii ugu dambeeyey in aysan jirin wax qorshe ah oo taa lagu sameeynayo.

“Qalabka kala duwan ee hubka Jarmanka ee ay siinayaan Ukraine ayaa si joogto ah usii kordhaya. Laga soo bilaabo gaarsiinta koofiyadaha askarta, Berlin waxay u dhaqaaqday inay nidaamka Kiev siiso nidaamyada hubka dilaaga ah ee casriga ah, oo ay ku jiraan taangiyada dagaalka ee culus, noocyada tuura gantaalaha badan, iyo qoryaha difaaca hawada,” ayuu yiri Nechaev.

“Dawladda Jarmanku waxay muddo dheer kahor ka gudubtey dhammaan ‘khadadka cas’ ee suurtogalka ah dhanka dadaalka ay ugu jirto inay guuldarro istiraatiiji ah u gaysato Ruushka. Markaa, naguma jiro wax dhalanteed ah oo gaar ah.” ayuu diblamaasigu hadalkiisa ku daray.

Nechaev ayaase meesha ka saaray in Jarmanku ay marna diyaar u yihiin wajahaad toos ah.

“Waxaa sahlan in gacmo kale lagu dagaallamo.” ayuu raaciyey Nechaev.

Hadalsame Media