Maraykanka oo ”kashifay” in gantaalo muhim u ahaa difaaca cirka Ukraine ay ka dhamaanayaan ciidanka dalkaasi (Bisha oo la sheegay & Ruushka oo ogaadey)

0

(Kiev) 10 Abriil 2023 – Ukraine ayaa waxaa ka dhamaan doona inta badan gantaaladeeda  cirka marka la gaaro bisha Maajo, sida uu maanta qoray wargayska Wall Street Journal, isagoo soo xiganaya dokumentiyada sirta ah ee Pentagon-ka oo lagu faafiyey baraha bulshada.

Xilli ay wajahayaan duqaymaha cirka ee Ruushka, Kiev ayaa waxa ay muddo bilo ahban waydiisanaysey hababka kala duwan ee difaaca hawada ee Galbeedka.

Marka loo eego soo jeedinta Pentagon-ka ee la sheegay inay ku taariikhaysan tahay Febraayo 28, Ukraine waxay adeegsataa ku dhowaad 69 gantaalaha Buk iyo 200 oo ah gantaallada S-300 bishii, sida uu sheegay wargaysku.

Xadigan marka la eego, ciidamada Kiev waxay ka bixi doonaan rasaasta Buk dhamaadka usbuucan, waxayna sidoo kale laysan doonaan kaydkooda gantaalaha S-300 Maajo 3, ayay tiri majaladdu.

Tan kale, waxaa jira cillad farsamo waayo helista gantaalahan uu dhisay Soofiyeedkii hore ayaa ku adag Kiev iyo taageerayaasheeda reer galbeedka. Bidaalkooda, Ukraine waxay heshay saddex xabbo oo gantaalaha Jarmanka ah ee Iris-T iyo 8 xabbo oo ah nidaamka Maraykanka ee NASAMS ee daafaca cirka, kumana filn.

Si kastaba ha noqotee, nidaamyadani waxay cunayaan ilaa 64 gantaal bishii, tiradoodan xaddidanna ma dabooli karto dhul u badan sida midka uu difaaci karo gantaalka S-300 oo ay xaddi badan ka haysato Ukraine, sida ku cad dokumentiga.

Si baahidaa loo daboolo, millateriga Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa inay ku qiyaaseen in Ukraine ay u baahan tahay ugu yaraan 16 xabbo oo Iris-T  ah ama baytariga NASAMS ah iyo 12 xabbo oo Patriot ama SAMP-T ah.

Hadalsame Media