Gobolka Soomaalida oo go’aan kasoo saaray waxa uu ka yeelayo go’aanka lagu baabi’inayo Ciidanka Liyuu & Gobol diidey + Sawirro

0

(Jigjiga) 10 Abriil 2023 – Golaha Wasiirrada ee Gobolka Soomaalida ayaa sheegay inay dhaqan gelinayaan wareegtadii kasoo baxday DF Itoobiya ee dib u habaynta loogu samaynayay ciidanka maxalliga ah ee kilinnada ee Liyuu Booliis.

Golaha Wasiirrada ayaa sheegay inay dood dheer arrinkan ka yeesheen waxayna shaaciyeen inay soo dhowaynayaan qorshaha dib loogu habaynayo ciidankii degaamada, Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka  Itoobiya.

Dhinaca kale waxa jira gobollo uu ka mid yahay ka Axmaarada oo kahor yimi kala dirista ciidanka Liyuuga oo u shaqeeya booliis maxalli ah ahaan.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa 6-dii bishan shaacisay inay kala dirayso ciidamada Booliiska maxalliga ah ee degaanka Soomaalida.

DF ayaa intaa raacisay inay ciidanka haatan jira ay ku kala daraysa Ciidamada Millateriga Federaalka Itoobiya iyo Booliiska Federaalka, sida ay werisey wakaaladda Wararka FANA.

Hadalsame Media