(Hadalsame) 10 Abriil 2023 – In lagu doorto ma sahlana. Waa inaad muddo is miskiinisaa, adigoo dumar iyo carruur la ooyaya isa soo sawirtaa, qashinka magaalada dhex fariistaa oo ballan ku qaaddaa inaad halkaas muraayad ka dhigi doontid.
Waa inaad qolyaha Xalane iyo Nairobi jooga qosolka u badisaa oo ereyo waaweyn oo Ingiriis ah isugu xejisaa. Billad buluug ah waa inay laabtaada ka muuqataa.
Tuulo aadan weligaa tegin waa in adigoo dhallinyaro iyo odayaal shaah kula cabaya lagu soo sawiraa. Waa inaad u muuqataa inaad cabashooyinkooda dhegeysaneysid, laakiin caqligaagu meel kale jiraa. Shisheeyaha markaad ka hadleysid waa in indhahaaga ilmo ku soo joogsataa.
Adigoo qofkaas fiican ah, waa inaad haddana qof kale noqotaa. Waa inaad qaraabada oo aadan waxba u qabanayn hoos u shirisaa oo inaad cadawgooda kursiga ka celinaysid u sheegtaa.
Dadka kula shaqaynaya waa inaad u ballanqaaddaa jagooyin iyo hanti aanay mudnayn. Siyaasiyiin kale waa inaad heshiisyo la gashaa oo sidii inaad suuqa xoolaha joogtaan u gorgortantaan.
Intaas oo dhib iyo xanuun ah adigoo soo maray, markaad kursiga gaarto oo aad dhibkii ka nasan lahayd oo raaxo geli lahayd, ayaa lagu leeyahay sharci iyo dastuur iyo xeerar u hoggaansan. Sharcigu hadduu wax i tarayo maalintaan qashinka dhex fadhiyey xaggee ku maqnaa.
W; Q: Cabdulqaadir Diiriye
Hadalsame Media