DARAASAD: Dalalka BRICS oo markii ugu horreeysey booska kala baxay kuwa G7 (Halkee uga kala jiraan GDP-da adduunka?)

0

(Hadalsame) 10 Abriil 2023 – Kooxda BRICS, oo ka kooban shanta waddan ee dhaqaalahoodu soo korayo ee waawayn, ayaa booska kala wareegey kooxda toddobada ah ee Wershadaha ku horumaray (G7) iyaga oo boos wayn ka galay wax soo saarka guud ee maxalliga ah (GDP) iyo awoodda wax iibsiga, sida ku cad xog ay soo ururisay Acorn Macro Consulting, oo ah shirkad cilmi baariseed dhaqaale oo uu fadhigeedu yahay UK.

Marka loo eego natiijooyinka baaristan, kooxda BRICS, Brazil, Russia, India, China iyo South Africa, waxay ​​31.5% ka yihiin GDP-da adduunka. Dhanka kale, G7, oo ka kooban US, Canada, France, Germany, Italy, Japan iyo UK, oo loo arko inay yihiin kuwa ugu horumarsan dhaqaalaha adduunka, ayaa marka la isku daro dhaafi kari waayey 30.7%.

Farqiga u dhexeeya labada kooxood ayaa la filayaa inuu sii kordho, sida ay sheegeen falanqeeyayaashu, iyadoo Shiinaha iyo Hindiya ay ku jiraan koboc dhaqaale oo xooggan, weliba dalal badanina ay xiisaynayaan inay ku biiraan baloogga BRICS.

Horaantii sanadkan, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in “in ka badan toban dowladood” ay muujiyeen xiisahooda ku aaddan ku biiritaanka BRICS, kuwaasoo ay ku jiraan Algeria, Argentina, Bahrain, Bangladesh, Indonesia, Iran, Egypt, Mexico, Nigeria, Pakistan, Sudan, Syria ,Turkiye, Imaaraadka Carabta iyo Venezuela.

Dhanka kale, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Bangladesh ayaa waxay doonayaan inay ku biiraan Bangiga Horumarinta Cusub, oo ay dhisanayaan dalalka BRICS.

Hadalsame Media